Heshiis Qaran ayaa ka Muhimsan Guul Kooxeed-soomaaliya

Soomaaliya Waxay U Baahan Tahay Heshiis Qaran, Maaha Hubanti La’aan Siyaasadeed Kale

Heshiis Qaran ayaa ka Muhimsan Guul Kooxeed-soomaaliya

Soomaaliya maanta waxay taagan tahay marxalad ka duwan kuwii hore. Dunidu way is beddelaysaa, awoodaha waaweyna waxay si toos ah ugu tartamayaan marin-biyoodka, ganacsiga iyo goobaha istiraatiijiga ah. Gobolka Geeska Afrika wuxuu noqday xudunta loollankaas cusub, halka Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika iyo goob juqraafiyeed ay quwadaha dunidu danaynayaan.

Xaaladdan oo kale, khatarta ugu weyn ee Soomaaliya ma aha oo keliya amni-darro ama dhaqaale xumo, balse waa hubanti la’aanta siyaasadeed iyo doorasho aan lagu wada kalsoonayn. Taariikhdu waxay ina bartay in doorasho kasta oo aan lagu dhisin heshiis siyaasadeed ay dhaliso muran, kala qaybsanaan iyo dib-u-dhac qaran.

Sababtaas awgeed, soo jeedinta Golaha Mustaqbalka Soomaaliya waxay mudan tahay in si dhab ah loo eego. Golaha wuxuu muujiyey tanaasul siyaasadeed oo dhif ah, isagoo mudnaanta siinaya in la helo hannaan doorasho oo lagu wada heshiiyo, halkii lagu adkaysan lahaa mowqif kooxeed. Tani ma aha guul qof ama xisbi gaar ah; waa isku day lagu badbaadinayo kalsoonida shacabka iyo sharciyadda nidaamka siyaasadeed.

Xaqiiqdu waxay tahay in maanta aan weli la isku raacsanayn nooca doorasho, dastuurka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Sidaas darteed, in la isku dayo in lagu dhaqaaqo doorasho aan heshiis buuxa lagu haysan waxay kordhin kartaa muranka siyaasadeed halkii ay xal ka noqon lahayd. Doorasho lagu muransan yahay ma dhisto dowlad xooggan; waxay sii fogeysaa kalsoonida shacabka iyo wadajirka qaranka.

Sida uu marar badan sheegay Xasan Cali Khayre, “Soomaaliya waxaa lagu badbaadin karaa oo keliya wada-hadal, is-afgarad iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.” Hadalkaas maanta wuxuu leeyahay miisaan gaar ah, maxaa yeelay dimuqraadiyaddu ma aha in hal dhinac wax walba go’aamiyo; waa in la abuuro hannaan ay dhammaan dhinacyadu ku kalsoon yihiin natiijadiisa ka hor inta aan codadka la tirin.

Danta qaranku maanta waxay ku jirtaa in la helo heshiis siyaasadeed oo mideeya dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, mucaaradka iyo bulshada inteeda kale. Heshiiskaasi waa inuu saldhig u noqdaa doorasho la isku raacsan yahay, dastuur lagu heshiiyey iyo dowladnimo sharciyaddeedu xooggan tahay.

Adduunka is beddelaya ma sugo dal ku mashquulsan khilaaf aan dhammaad lahayn. Soomaaliya waxay u baahan tahay xasillooni siyaasadeed si ay uga faa’iidaysato fursadaha juqraafiyeed, dhaqaale iyo amni ee horteeda yaalla. Taasna waxaa lagu gaari karaa keliya heshiis qaran, ee laguma gaari karo doorasho lagu kala tago.

Maanta doorashada ugu muhiimsan ma aha cidda guulaysata; waa in Soomaaliya guulaysato.

Add a comment

Scroll to Top